Ku dhawaad 20 Musharax oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada ee Dalka Soomaaliya oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay isku raaceen in ay codadkooda ay ugu shubaan musharaxa ugu codadka badan wareega koowaad xilliga Doorashada, kana gudba Wareega labaad ee u gudba wareegyada kale.
Musharaxiintaasi kulanka yeeshay ee isku raacay in ay codadkooda siiyaan musharaxa wareega kooowaag ugu cod badan ayaa waxaa ka mid ah Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Musharax Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Musharax Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Musharaxiin kale.
Waxa ay sidoo kale Musharaxiin tan ku heshiiyaan in Dalka uu ka dhaco isbadal hogaamineed, kana shaqeeyaan sidii uusan mar kale Dalka u hogaamin Xasan Sheekh Maxamuud.
Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah Afhayeeenka Musharaxiinta isbadal doonka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sharaxay go’aanka ka soo baxay iyo waxyaabaha kale oo ay ku heshiyeen ku dhawaad 20 musharax ee kulanka yeeshay.
Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ku loolamaya Musharaxiin gaaraya 23 Musharax oo qaarkood ku cusub Siyaasada Soomaaliya.
Waxaa muuqata in Musharaxiinta badankood ay middoobeen ,islamarkaana ay doonayaan in ay soo saaraan musharaxa ugu codadka badan Wareega koowaad si Dalka uu isbadal ugu dhaco.
Waxaa lagu jiraa Saacadihii ugu dambeeyay ee Ololaha Musharaxiinta, Waxaana Musharaxiinta ay kulamo kala duwan ay la leeyihiin xildhibaanada wax dooranaya ee labada golle ee Baarlamaanka waa gola shacabka iyo Xubnaha Aqalka Sare.
Waxaa sidoo kale warar soo baxaya ay sheegayaan in Musharaxiinta qaarkood ay maanta ku dhawaaqi doonaan in ay tanaasulayaan.
HALKAAN KA DHAGEYSO