TOP DHAGEYSO:- Masuul sheegay inuusan u Joojin doonin Go'aamada Gudiga Doorashada Heer Federaal

0

Xildhibaan Cabdullaahi Shaacir oo kusoo baxay doorashadii Shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ka hadlay War isaga ka dhan ahaa oo kasoo baxay Gudiga Doorashada Heer Federaal.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in uu dhag jalaq usiin doonin warka kasoo baxay Gudiga Doorashada Heer Federaal isagoo cod dheer ku  sheegay inuu wax saameyn ah ku yeelan doonin warkaasi.

Shaacir ayaa wareysi uu bixiyey saaka sheegay inuu maanta imaan doono Muqdisho isagoo shaaca ka qaaday in Shahaadada Xildihbaanimo uu qaadan doono.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in Beesha Caalamka Xubno ka socday ay kusugnaayeen meesha ay doorashada ka dhacday Kismaayo si cod ahna uu kaga badiyey 40 Cod uu helay Wasiirka Batroolka uu kaga guuleystay maadaama ay tartamayeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO