TOP DHAGEYSO:- Ciidamo dhoolatus aan hore loo arag ka sameeyay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ayaa ka qaybgalay dhoolatus ciidamada amniga ay ku sameeyeen Xerada ciidanka Generaal Kaahiye ee Iskuul Buluuziya, halkaasi oo la isugu geeyay ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida.

Maxamed Cumar Carte ayaa u mahadceliyay ciidamada dowladda iyo Saraakiisha ammaanka qaabka wanaagsan ee ay ugu dadaaleen suggida ammaanka Muqdisho.

Wuxuu ka codsaday shacabka Somaliyed inay u dulqaataan Xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo maanta iyo Beri xirnaan doono.

Ciidamada dowladda qaybahooda kala duwan ayaa ku mashquualsan suggida ammaanka guud ahaan Magaalada Muqidhso oo beri ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha.

HALKAAN KA DHAGEYSO