Abaare Saacada markii ay aheyd 8:10PM Fiidnimo ayaa waxa mar keliya laga maqlay daryan Madaafiic ah oo ku dhacaya qeybo katirsan Magaalada Muqdisho.
Hoobiyeyaasha ayaa kudhacay Xaafado katirsan Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Weyne,waxaana cabsi ay ku Abuurtay dadka ku dhaqan Xaafadahaasi.
Dadka deegaanka waxay sheegeen inay Dhismooyinka Shubka ah galeen ayna ogaan karin sida xaalku yahay.
Meel ku dhaw Isgoyska Dabka ayaa mid ka mid ah la sheegay inuu Hoobiyaha ku dhacay balse waxaa weli Allgalgaduud Media ay raadineysaa xog dhameystiran oo ku aadan sida ay wax udhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.