Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Xoog leh oo Maanta ka dhacay Inta u dhexeeysa degaanada Miir-tuugo iyo Biya-cadde oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe,waxaana dagaalkaas uu dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab.
Dadka Degaanka ayaa laga soo Xigtay in Dagaalku uu ahaa Mid aad u Xooggan,balse weli aan la sheegi karin Khasaaraha soo kala Gaaray AMISOM iyo Al-shabaab.
Ciidamada AMISOM ee loo dhigay Weerarka Dhabagalka ah ayaa ka baxay sida ay KNN u sheegeen Goobjoogeyaal Degaanka Biya-cadde,waxeyna ku sii jeedeen Fariisin ay ku leeyihiin Degaanka Miir-tuugo ee isla Gobolka Shabellaha Dhexe.
HALKAAN KA DHAGEYSO