Doorashooyinka Madaxtinimo: Xilka madaxtinimada Soomaaliya 4ta sano ee soosocota waxa isu diiwaangeliyey 22, musharax oo rag ah, taas oo meesha ka saartay hadal-hayntii dumarka u hanqal-taagaya in ay isu sharraxaan madaxtinimada Soomalaiyada cusub, waxa lagayaabaa in sababtu tahay dhanka dhaqaalaha iyo fursadda hoggaamineed ee dumarka oo dhanqanka iyo diintuba xadeynayaan.
Haddaba maxaaan ka naqaan shaqsiyadda musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo dhab ahaantii u baahan dhaqan iyo waxqabad ka duwan kana tayo fiican sanad-madaxeedkii dhammaaday?
Madaxweyne caynkee ah ayaan u baahanahay?
Tilmaanta madaxweynaha ay maanta ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay, waxa suurtagal ah in aanay u muuqan sida ay u muuqdaan hal-beegyada aan wax ku qiyaasno ee qabiilka iyo kooxnimada.
Marka shaqaale la qaadanayo waxyaabaha ugu horreeya ee aga fiiriyo in uu leeyahay waxa kamid ah:
Aamin ah, oo aan xadin xoolo loo dhiibay
Karti maskaxeed iyo mid jireed; si uu shaqada u wada geliyo awooddiisa maskaxeed iyo tan jirkaba.
Hayeeshee marka ay timaad ka jawaabidda baahida maamul wanaag iyo hufnaan waxa jira tilmaan kale oo ay adag tahya in la helo siyaasi leh, waxa kamid ah
Qof haystay dhaqaale ku filan ka hor inta uusan xil ummadeed qaban
Aan macaash iyo nolol u soo raadin siyaasadda
Leh halbeeg ka duwan ka aan wada naqaan ee qabiilka iyo kooxda
Aamin ah; oo aan si muuqata iyo si qarsoonba wax u tuugeysan.
Musharixiinta isdiiwaangeliyey tilmaamahan waxa lagayaabaa in midba wax uun ka leeyahay, balse inta ay tilmaamuhu kala maqan yihiin waa hangoolkii garkiisa iyo ganihiisu geedaha ku kala yaalleen.
Qoraalkani waxa uu ku saabsan yahay 4; musharax oo kala ah
Xasan Sheekh Maxamuud
Maxamed C/laahi Maxamed ( Farmaajo)
Crashiid Cali Sharma’arke
Shariif Sheekh Axmed
Waxa ay u kala horreeyaan sida ay qoraalkan ugu kala horreeyaan
Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)
Waxa uu ahaa mid kamid ah Raisalwasaarayaasha xukuumaddii kmg ahayd ee Sheekh Shariif Sh. Axmed, waa 55-jir eh laba dhalasho (Somali-mareykan)
Qoraalkooban oo uu faafiyey markii uu noqday Raisalwasaaraha xukuumaddii kmg ahayd ee Shariif Sheekh Axmed, waxa uu ku sheegay in uu ka shaqeeyey wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumaddii ciidanka, waxa uu ku qoray qoraalkaas dhowr bar oo kamid ah baraha Soomaaliyeed ee internetka, waxaana kamid ahaa sida:
“Waxaan shaqa ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dabaayaqadii sanadkii 1982, waxaan ka howl galay Arkiiviyo (central archive), muddo yar ka dibna waxaan ku wareegay Xafiiska maamulka lacagta , Halkaas oo aan ka ahaa Xisaabiye (auditor).
Horaantii sanadkii 1985, waxaa la ii bedelay Safaaradda Soomaliya ee magaalada Washington,D.C, ee dalka maraykanka. Halkaas Waxa aan mas’uul ka ahaa arrimaha maamulka lacagta ee safaarada. Sanadku markuu ahaa 1988, waxaa la’igu aray inaan iska xaadiriyo xarunta wasaarada ee Xamar, waxaanse go’aan ku gaaray in waxbarashadayda dhamaysto, dalka maraykanka waydiisto magangalyo siyaasadeed, arrimo siyaasad darted”.
Rajada guusha madaxtinimo ee Maxamed Farmaajo.
Sidii aan filayey waxa ay ii sheegeen raga ololaha u hayaa in uu yahay musharaxa ugu dhow in uu ku guuleysto xilka madaxtinimada Soomalaiya, balse marka aan fiiriyo sababaha waaweyn ee xagga dambe ka riixaya in qof maanta ku soo baxo hoggaanka Soomaaliya, oo aan garabdhigno Musharax Farmaajo, waxa muuqan karta in ay adag tahay in uu noqdo madaxweyne, tusaale; waxa jira 4; sababood oo mid kastaa muhiim u tahay musharaxa doonaya in uu madaxweyne noqdo, tan qaddarta kama hadlayo, oo qof og ayaan jirin, dhammaanteen waxbaan qorsheynaa balse fulintooda rabbi ayaa iska leh, waxa ay kala yihiin sababahaasi:-
Dhaqaale;
Qabiilka;
Dan siyaasadeed;
Taageerada madaxda goolada;
Dhaqaalaha: Marka aan sababta dhaqaalaha ku qiyaasno Farmaajo, ma aha ganacsade, mana filayo in uu lacag badan u soo urursaday sidii uu madaxweye u noqon lahaa, inkasta oo uu ololihiisa madaxweynenimo muddo hore billaabay, si uu madaxweyne u noqdo wareegga koowaad waxa uu u baahan yahay in uu helo 219, saddex meelood meel, tirada codadka Baarlamaanka (Golaha shacabka iyo Aqalka sare), markaas dhaqaalaha uu bixin karo uma maleynayo in uu yahay mid ku filan in uu helo 219, cod, wareegga koowaad.
Qabiilka: ku dhowaad 80, xildhibaan ayaa ka soo gashay Baarlamaanka maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbalan, kuwaas oo lagayaabo in qaarkood u codeeyaan Farmaajo, haddiiba ay shaqeyso Qabiilnimadu, jufadiisa hoose waxa ay ka heshay Baarlamanka 17; xildhibaan, waxa aan maqlay in 14; kamid ah ay u codeyn doonaan Farmaajo, balse taasi ma aha mid huban.
Dan siyaasadeed: waa mid kamid ah sababah ugu weyn ee haddii ay shaqeyso uu musharaxa adeegsadaa ku noqon karo madaxweynaha 4ta sano ee soosocta, ballanqaadka xil ama dan siyaasadeed waxa ay u shaqeysay madax hore, balse markii ay gaareen dantoodii ayay ka baxeen ballamihii,.
Waxa ay taasina ku xirnaan doontaa sida uu u adeegsado, iyo sida uu u kal ahormariyoo sida ay siyaasiyiintu u kala firfircoon yihiin.
Taageerada madaxda goolada;
Inkasta oo aanay ahayn sabab weyn oo horseedi karta in uu ku guuleysto ama guul dareysto haddana Farmaajo, dhinaca madaxda goboladataageero iyo galangal kuma laha, balse waxa jira wax xoogaa rajo ah oo ay qabaan xildhibaano ka soo jeeda Galmudug iyo Jubbaland, taas oo ah in ay codkooda si madaxbannaan u siiyaan Farmaajo.
Markii aan sii dabagalaya waxaa keenay in ay taageerada madaxda goboladu ka maqnaato Farmaajo, waxa ii soo baxday in musharixiin uu kamid yahay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raisalwasaare Cumar C/rashiid ay sii alkunteen madaxda maamulada qaarkood sida Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle.
Caqbadaha ka hor iman kara madaxtinimada Maxamed Farmaajo
Kuwa ugu waaweyni waxa ay ka iman doonaan dhanka sababaha aan ku xusay xagga sare, oo heliddoodu horseedi karto guusha musharax, maqnaanshahooduna uu adkeyn doono in qof noqdo madaxweynaha Soomaaliya xilli-madaxeedka soo aaddan.
Musharax Maxamed Farmaajo; waa nin u dhaqma sida in uu u sharraxan yahay waddan dhismay oo ku jira heerka horumarka dhexe,
Hadalka iyo qababaalkiisa marka aan qiyaaso waxa uu u muuqdaa sida in uu yahay madaxweyne dooran oo mid ka degaya xilka ka beddelaya (elected president).
Waa nin ku mashquulsan in uu dadka isbaro oo waqti badan gelayo sheegidda waxa uu yahay, qof ka jawaab celiyey qoraal ku saabsan sooyaalkiisa (CV), oo lagu daabacay http://somalitalk.com/2010/10/17/11225/ ,Oktober-2010, ayaa waxa kamid ahaa jawaabaha ay dadweyne kala duwan ka bixiyeen sooyaalka Maxamed Farmaajo, qayb kamid ah qoraalkaas Ra’yiga ah ayaa u qornay sdian:
“Tan kale, R-wazaaraha la magacaabay qoraalkiisu wuxu ka kooban yahay 616 kalmadood, naftiisa wuxuu uga hadlayaa 571 kalmadood oo ka ah qoraalka boqolkiiba 92.7%, meesha uu uga hadlayo guud ahaan arinta Soomaliya amaa inuu ubabac dhigo karo 45 kalmadood ee ugu danbaysa, taasoo ah 7.3%. Marka halkaan calaamad su’aal wayn ayaan iswaydiin karnaa ilaa xadka aan rajjo isgelin karno? Ka fakar? Toloow, R-wazaaruhu ma ogyahay meeshuu usocdo, mase jiraan wax fakar ama hiraal ah oo usii diyaarsan? Ilaa xadkeesi siyaasiyan bisil yahay? Tan kale jumladiisa ka bilaabanaysa “Sanadka 2002-present”, waxay muujin kartaa inuu ahaa nin iska wattay shaqadiisa (Regional civil rghtss manager of NY Satete Department of Transportation) oo aananba arimahaan ugu jirin tabaabushaysi, marka yaa ku dhaliyay inuu soo galo safar aan qorshaha ugu jirin?”
Iscasilaadda Dr C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole; waxa ay in yar oo culeys ah ka dejineysaa musharaxnimada madaxweynenimo ee Maxamed Farmaajo, marka laga eego dhanka Qabiilka.
Xubanaha golaha shacabka iyo kuwa Aqalka, xubin aan dhaqaale ku bixin in ay hesho codka eragada iyo xildhibaanada maamul goboleedyadu waa tiro aad u hooseysa, sidaas awgeed ma filayo in ay iska illaawi karaan dhaqaalihii ay bixiyeen ee ay qof isaga codeeyaan iyaga oo aan maslaxad shaqi ah fiirin, sidaas awgeed ma shaqeynayo hal ku dhegga Danta Dalka iyo Dadka, oo ah kan uu ku ololeynayo Musharaxmadaxweyne Maxamed Farmaajo.
Dadka siyaasaddu waxa ay ku wanaagsan yihiin in aanay noqon kuwo dareenkooda hago hadalkooda, waa in ay awoodaan in ay hal mar maskaxda kuwada qabtaan laba arrimood oo isdiiddan iyaga oo miirkooda qaba, marka aan qaaciddadaas garab-dhigno musharax Maxamed Farmaajo, waxa muuqaneyso in uu yahay nin xamaasaddiisu sarreyso (emotional man), taasina waxa ay lumineysaa taageerada iyo higsiga siyaasiga, waxa uu taas la wadaagaa madaxda madaxda qurbaha katimid qaarkood, kuwaas oo xilalka ka helay Soomaaliya, iyaga oo aan aqoon sida looga nool yahay deegaanka iyo dhaqnaka dadka ay maamulayaan, balse wax walb ahalbeeg uga dhiga waddamada ay ka yimaadeen oo si walba uga duwan Soomaaliya.
WQ: Axmed Ciise Guutaale