Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Labada Maalin Talaadada iyo Arbacadda la fasaxay Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Gaarka ah.
Ku Simaha Wasiirka Shaqada iyo Hormarinta Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo la Hadlay Wakaaladda Wararka Soomaalyeed Ee SONNA, ayaa Sheegay in Maalmaha Talaadada iyo Arbacada ay Fasax yihiin Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Gaarka ah, taas oo loo Sameynayo Doorashada Madaxweynaha ee 8 Bishaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.
Talaabadaan ayaa imaaneysa iyadoo hakad la galiyay isusocodka gaadiidka magaalada Muqdisho, si loo adkeeyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.