Hoteelada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka socda kulamo kala duwan oo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay la la leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku jira loolankii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan in ay ku kasbadaan Codadka Xildhibaanada.
Musharaxiinta ayaa kulamo kala duwan Hoteelada Muqdisho hadda kula leh xildhibaanada taageersan.
Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku shirsan Hoteelka SYL ee Magaalada Muqdisho , halka sidoo kale Hoteello uu ka mid yahay Hoteel Jazeera ay ka socdaan kulamo kala duwan.