Waxaa saaka xiran wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo la soo dhigay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda ayaa gaadiidka iyo dadka u diidaya in ay Isticmaalaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwooda ugu muhiimsan ,waxaan dadweynaha Saaka ay ku xareysan yihiin Guryahooda.
Dhammaan Isgoysyada ugu muhiimsan Muqdisho ayaa Saaka xiran.
Sidoo kale Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu jaray Dhagaxaan iyo carro aad u farabadan.
Ujeedada ka dambeysa in wadooyinka Magaalada Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo Berri.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay Shacabka kunool Muqdisho ka codsaday in ay dulqaataan maalmaha Talaadada iyo Arbacadda.