XOG WARAN:- Muxuu heshiiska Daljir uga dhigan yahay rajada Sheekh Shariif ?

0

Shariif Sheekh Axmed, oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa markale dib ula midoobay saaxiibo uu lumiyay markii uu waayay xilkii madaxweynihii Dowladii KMG aheyd.

Dib ula midoobida saaxiibo dhowr ah, ayaa waxaa loo sababeynayaa inay ka dambeeyeen culumaa’udiin iyo waxgarad ku sugan gudaha dalka iyo dibada Soomaaliya.

Dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in dib ula midoobida saaxiibada ka tirsan xisbiga Daljir inay

keeni karto taageero cusub oo uu ka dhex helayo xildhibaanada baarlamaanka.

Waxaa arintaasi ay sahli kartaa in codad dheeraad ah oo uusan ku tashan marka hore uu ka dhex helaa baarlamaanka, maadaama xubnaha xisbiga Daljir ay kamid yihiin baarlamaanka Soomaaliya.

Sheikh Shariif ayaa doonaya in markale uu kusoo laabtaa xukunka dalka, waxaana uu dagaal adag kula jiraa Xasan Sheikh Maxamuud.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa la kulmaya kala jiidasho kaga imaaneysa dhanka musharixiinta ugu cad cad doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Seddex maalin kadib ayaa doorashada madaxweynaha waxay ka dhaceyso magaalada Muqdisho, waana mid ay wada sugayaan Soomaalida gudaha iyo dibbadda.