XOG:- Madaxweyne Gaas oo Muqdisho olole Culus kawada

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdiigii balaaranaa ee uu hogaaminayay ayaa kulamo aan kala joogsi la’heyn waxaa ay Magaalada Muqdisho kula qaadanayaan Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada Puntland.

Kulamada ayaa hadda ka socda Mid ka mid ah Hoteelada Magaalada iyadoo shirarkaasi ay yihiin kuwo Xasaasi ah ,balse saraakiil ku dhow dhow Gaas ayaa  xaqiijiyay in Ajandaha intiisa badan uu yahay taageerada Musharrax uu si gaar ah uu u wato C/wali gaas.

Xogta ayaa intaa ku dareysa in Musharraxaasi uu yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka mid ah Musharraxiinta ugu cad cad ee u tartamaya Xilka Madaxweynaha ee la filayo in ay dhacdo 8 Bishan iyadoona Balan qaadyo badan ay jiraan oo dhanka Xildhibaanada ah.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka’ah CCC Sharma’arke oo isagu garab buuxa ka heysta Maamulka Puntland kuna tashanay hadda Codadka Xildhibaanada labada Aqal ee Puntland laga soo doortay kuwaas oo Miisaan mug leh uu ku dhax leeyahay Soo xulistoda Mr’Sharma’arke.

Xildhibaanada laga soo doortay Deegaanada Maamulka Puntland ayaa lagu laab qaboojinayaa in sanadkan ay is bedel muuqda oo ka dhaca dalka ay hoggan u noqdaan islamarkaana ay raadiyaan taageero walba oo Talada dalka ugu gacan gelin karaan Mudane Sharma’arke.

Arrinta Ololaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda Mareysa Meel Xasaasi ah iyadoo Muqdisho ay ku soo qul qulayaan Siyaasiyiin iyo Hoggaamiyaal Miisaan ku dhax leh siyaasada Soomaaliya oo qeyb ka ah Ololaha Socda oo Musharraxiinta ay la wadaan.

Mudo 3 Maalin oo qura ayaa ka hartay Maalinta lagu Balansan yahay Doorashada Madaxweynaha oo ay Sanadkan u tartamayaan 23 Musharrax oo Midkastaa siyaasad gooni ah uu wato, laakiin ahlka lagu kala bixi doono ay tahay Codka Baarlamaanka.