Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo Shalay loo diiday inuu ka baxo Magaalada Buuhoodle Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla si uu u gaaro Wadanka Jabuuti ayaa la soo Warinayaa inuu gaaray Magaalada Burco oo Gobolka Togdheer Caasimad u ah islamarkaana Somaliland ay Maamusho.
Mas’uuliyiin ka mid ah Maamulka Khaatumo Balse diiday in Magacooda la Xigto ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr uu ku sugan yahay Magaalada Burco.
Cali Khaliif oo ah Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa Shalay loo diiday inuu ka baxo Magaalada Buuhoodle,waxaana u diiday Maleeshiyo Degaanka ah oo ka soo horjeeda Madaxweyne Galeyr.
Maamulka Somaliland ayaa horay wada hadal ula galay Xukumadda aan weli la aqaansan ee Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr,balse weli Madaxweyne Galeyr kama hadlin Hakintii lagu sameeyay Safarkiisa iyo Sababta uu u tagay Somaliland.