Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta Arbacadda ah ka dhaceysa Muqdisho.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay muhiimad gaar ah ay u leedahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Wafdiga Puntland ayuu sheegay in ay ka qeyb galin doonaan doorashada , islamarkaana ay korjoogto ka noqon doonaan sida ay wax u socdaan.
Magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Wafuud Caalami ah ,kuwaa soo ka qeyb galaya Doorashada Hoggaanka dalka.
HALKAAN KA DHAGEYSO