TOOS U DHAGEYSO:- Xiliga Ay Dhacayso Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Galmudug Oo Lagu Dhawaaqay.

0

Guddiga Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in 19 Bishaan ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug Maxamed Saciid Xasan ayaa sheegay in Galmudug 19 bishaan ay yeelan doonto madaxweyne cusub ka dib markii ay sheegeen xildhibaanada Galmudug in ay Xilkii ka qaadeen madaxweyne Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan Musharaxiin isasoo diwaan geliyay ,kuwaa soo doonaya in ay noqdaan Madadaxweynaha Galmudug.

Doorashadaan ay maanta ku dhawaaqeen Xildhibaanada Galmudug ayaa kusoo aadaysa xilli Madaxweynaha Galmudug uu sheegayo in aan wali xilka laga qaadin uuna yahay Madaxweynaha Sharciga ah.

 

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media