TOOS U DHAGEYSO:- Wax walbo aad kaga Baahan tahay Dooda Musharaxiinta oo maanta dhaceysa

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhaceysa  Dood wadaag udhaxeysa  Musharaxiinta ee utartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Dood wadaaga sida ay horay u shaaciyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha.

Doodda oo aheyd in horay loo qabto ayaa baaqatay ka dib markii ay timid cilad dhanka Internet-ka ah.

Telefishinada Soomaalida ayaa si toos ah looga daawan doonaa Sida uu sheegay gudoomiyaha guddiga Doorashada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dooda ayaa noqon doonta Gelinkii hore iyo Gelinka dambe waxaana ka qeybgalaya 23 Musharax.

Afhayeenka golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Dooda Musharaxiinta ay dhaceyso Maanta ,islamarkaana Musharaxiinta laga rabo in ay soo xaadiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO