Iyadoo Abaaro ba,an ay ka jiraan guud ahaan Gobalka Mudug kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada ayaa marka laga soo tago dadka ay xoolihii abaartu kalaysay haatan waxaa jira dad u geeriyooday Abaarta awgeed ka dib markii ay waayeen biyo iyo baad ay cunaan .
Tuulooyin hoostaga deegaanka Xingod ee bariga Mobalka Mudug ayaa waxaa ku dhintay ilaa Afar ruux oo abaartu ay saamaysay dadka dhintay ayaa la sheegay in ay markii ay waayeen biyo ay cabaan ay isku dayeen in ay ceelel ka Agdhow biyo u raadsadaa balse ay ku dhinteen halkaasi.
Cali maxamed oo ka mid ah dadka ku nool degaanka xindog ee Bariga Gobalka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in hadii aan laga soo gaarin dadka halkaasi ku nool ay dad badan halis ku jiraan.
HALKAAN KA DHAGEYSO