Waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda ololihii ugu danbeeyay ee Doorashada Madaxweynaha xili hal maalin un ay ka harsan tahay Doorashada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia, Maxamed Shiikh Cusmaan ”Jawaari” ayaa ka digay in
Musharaxiinta ay laaluush ku bixiyaan codadka Xildhibaanada.
Jawaari waxa uu sheegay in Musharaxii lagu helo bixinta lacago Laaluush ah iyo Xildhibaankii lagu qabto qaadashada lacagtaasi si gaara loola xisaabtami doono.
Jawaari waxa uu sheegay in Doorashada ay iminka ka harsan tahay hal maalin, waxa uuna ku celcelshay in Musharaxiinta iyo Xildhibaanada lagu arko Laaluushka la marin doono xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Jawaari waxa uu sheegay in Musharax waliba looga baahan yahay inuu kalsooni ku qabo nasiibkiisa, waxa uuna ka digay in codadka ay ku raadiyaan dhaqaale.
Xildhibaanada labada Aqal ayuu sheegay in looga baahan yahay inay badbaadiyaan dalka oo aysan qaadan wax dhaqaale ah, waxa uuna carab dhabay in Somalia ay u baahan tahay badbaado.
Dhinaca kale, Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay soo saari doonaan sharci dhigaaya in shaqsigii lagu helo Musuq, laga saaraayo dhammaan xeendaabka xarumaha Dowlada, isla markaana uusan xil ka qaban doonin Dowlada.