Barakac Xoog leh oo ka socda Gobolka Shabelaha Hoose

0

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Dhanaane oo dhanka bari uga beegan Magaalada Xarunta Gobolka Shabelalha Hoose ee Marka qayaas ahaan u jirta 25 Km ayaa sheegaya in Halkaasi dadkii ku noolaa ay bilaabeen in ay barakacaan.

Dadkan barakacaya ayaa u badan xoolo dhaqato iyo Kaluumeysato kuwaas oo sheegay in ay soo gaareen hanjabaad kaga timid dhanka Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah deegaankaasi oo amar ku bixiyey in dadka ay halkaasi ka guuraan.

Boqolaal qooys oo ku ku noolaa deegaankaasi ayaa u jiheystay Wadad xeebta ee isku xirta Gobolada Shabeelada hoose iyo Banaadir.

Maamulka Magaalada Marka iyo Kan Gobolka Shabellaha Hoose oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino barakacan ka bilawday deegaanka dhanaane ayaa iyagu ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintaasi.

Lama oga sababta ay dagaalamayaasha Al-Shabaab dadka deegaan xeebeedka dhanaane ay ugu amreen in ay barakacaan, balse Sahababa ayaa horey u godoomiyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolkan Shabellaha Hoose .