Dooda Musharaxiinta ayaa ka socota Xarunta golaha Shacabka Muqdisho , waxaana ilaa iyo hadda Su’aallo la weydiiyay 3 Musharax .
Su’aalaha la weydiinayo Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah
Waxa ay ku mudan yihiin in ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya
Amnidarada dalka ka jirta waxyaabaha ay ka qaban doonaan
Sida ay ku xalin doonaan Dagaalada iyo colaadaha Sokeeye
Sida ay musuq maasuqa rakaadiyay Soomaaliya ay kaga hortagayaan
Qorshahooda ku aadan Tayeynta Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Sida ay u mideynayaan umada Soomaaliyeed oo kala qeybsan
Sidee ayay dalka ku gaarsiin karaan doorasho qof iyo cod ah hadii la doorto
Sida ay u kala maareynkaraan Awoodaha Dowladda Dhexe iyo Maamul goboleedyada
Sida ay ku xalinayaan Khilaafka had iyo jeer soo gala dhex gala Ra’iisulwasaaraha iyo Madaxweynaha
Sida ay ku wajahayaan dhismaha Garsoor Caddaalad ah
Sidee Caalamka Xiriir wanaagsan ula yeelan karnaa anagoo ilaalsanayna danaheena
Sida ay ku Horumarinayaan dhaqaalaha dalka hadii la doorto
Hantida ay haystaan Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada
Waxaana Musharaxiinta ay haystaan Waqti isku mid ah oo ah 2 daqiiqo.
Waxaa Dhiman 20 Musharax