AKHRISO:- Maxaa la gudboon Shacab-ka iyo Madaxda Soomaaliyeed ?

0

Soomaaliya, Waa dal kheyraad badani ku duugan-yahay sida ay xaqiijiyeen baaritaanno badan oo dhowr goor oo hore lasameyay, Haddana waa dal kamid ah dalalka ugu saboolsan dunida, Waana dalka kaliya ee sanad kasta, Lasoo gudboonaada sedax xaaladood oo deg-deg ah, kuwaasi oo kala ah, Abaar soo noq-noqota ugu yaraan 2-jeer sanadkii oo dad iyo duunyaba saameyn ku yeelata,  Dagaal dhaliya Bara-kac, Ha ahaado mid qabiil ama mid Siyaasadeed iyo Roobab mahiigaan ah, Oo qaarkood ay duufaanno wataan, Qaarna ay fatahaado sameyaan, Sidaa darteedna ay dad badan oo Sabool ahaa ay ku noqdaan Bara-kacayaal.

Dadka Soomaalida ayaa ka kooban, 5-nooc, 1: Xoolo dhaqato ama reer-guuraa, Kuwaasi oo ku tiirsan xoolaha-nool, Sida:- Geela, Lo’da iyo Ariga. 2: Beeraley ama Tacbato, Waa dad ku tiirsan wax soo saarka beeraha, 3: Kalluumeysato ama Jillaabato, 5: Ganacsato wax soo dhoofsada ama dhoofiya, Waxaa jira dad badan oo ku tiirsan gacmo kale sida:- In dibadda laga biilo, waase nidaam aan maxalli aheyn oo billowday, inta ugu badan Bur-burkii kadib.

Hadda waxaa dalka ka jira Abaar saameyn ballaaran ku yeelatay,  Labada qeybood ee kala ah, Xoolo-dhaqatada iyo Tacbatada, Iyadoo inta badan deeggannada Soomaalida ay ka Bara-kaceen, Labadaan qeybood ee kala ah, Xoolo-dhaqatada iyo Tacbatada, Kadib markii Dadkii Reer-guuraaga ahaa, Oo ay lasoo diristay, Abaar dhameysay gebi ahaanba Xoolihii-noolaa ee ay dhaqan jireen, Biyo la’aan iyo baahi cunto la’aaneed oo saameysay dadkii iyadoo deegannada qaar ay dad macluul ama gaajo ugu dhinteen, Waxaana sababa Roob la’aan in muddo ah ka jirtay geyiga Soomaalida intiisa badan.

Si taasi lamida waxaa Bara-kacay, Dadkii Tacbatada ahaa, kadib markii Aaney helin Roobab-kii ay dalagga ku beeran jireen, Halka Qaarkoodna ay Biyaha webiga ku waraabsan jireen beerohooda, Webigiina ay bihii ka joogsadeen, (Guray) Kadibna sidaasi ay ku noqdaan Barakacayaal marti u ah Xaalado nololeed oo adag.

Dhanka kale, dalka waxaa la filayaa in ay doorasho madaxwenye ka dhacdo 8 Febaraayo, Iyadoona ay xil-kaas u sharraxan-yihiin 23-tan mudane oo mid kastaa oo Jeclaan lahaa in uu noqdo madaxweynaha 4-ta sano ee soo socota, Mid kasta oo kamid ah ragga u tartamaya kursiga ugu sarreya dalka waxa uu khudbadiisa ku darsaday in wax muuqda ka qaban doono abaaraha iyo dhibaatooyin-ka keena faqriga iyo gaajada, Sida:- Colaadaha, Musuq-maasuqa, Fatahaadaha, Biyo la’aanta iyo wax kasta oo la xiriira nolosha dadka Sioomaaliyeed ee marxaladaha ad-adag ku jira.

Waa maxay xalku?

Xal rasmi ah oo laga gaaro dhibaatooyin-kan dhinac kasta leh ee bulshadeenna heysta waa guul taariikhi ah iyo in mustaqbalka carruurteennu uu noqdo mid wanaagsan, Ayna ka badbaadaan dhibaatooyinka iyo daruufaha maanta jira, Balse, si taasi loo helo, Waxey dhallinta Soomaaliyeed Baaq usoo jeedinayaan, Culumaa’uddiin-ka iyo wax garad-kooda, “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed, in ay la yimaadaan, Towbo keen dhab ah,  Ayna is cafiyaan, Iskuna naxariistaan si Rabbi (SWT) Ugu naxariisto, In culimadu masaajidda ka duceeyaan, lagana qanuudo. In barxadaha waaweyn ee magaalooyin-ka ama tuulooyin-ka leyskugusoo baxo ALLAAH-na la baryo, Lana weydiisto in uu Naxariistiisa Nagusiiyo mandar ama Roob kheyr-leh oo Dad iyo duunyaba Lagu lagu qabowsado.

Ugu dameyn, Maxaa la gudboon madaxda Soomaalida, Si arrintaan Xal waara looga gaaro?

1: In ay gartaan in ay u dhaarteen xilna u hayaan Bulsho sabool ah una baahan muwaadin si dhab ah u samata bixin kara.

2: In ay go’aansadaa wax ka qabad dhab ah, Sida Biyo gelin, Ceelal biyood-yo, kuwa gacanta iyo kuwo Riig ah intaba.

3: In ay u istaagan ciribtir-ka Oraahda ah, Waxaan gar-gaar weydiisaneynaa Beesha Caalam-ka iyo Hey’adaha Caalamiga ah!, Iyadoona lagu cirib tiri karo dhihista nuucaas ah, in Bulshada la aaminsiiyo wax soo saar-ka dalkoodu in uu ka wanaagsan yahay gacan shisheeye.

4: In la kordhiyo xirfadaha wax soo saar ee Tacbatada ama Beeraleyda, Sababtoo ah, wax soo saarka beerahu wuxuu aad u yareyn karaa gaajada iyo saboolnimada, Muddada dheer soo jiitameysay?

Farriintaan waxaa soo gudbiyay dhallinyarada Soomaaliyeed.

W-Q: Abdullaahi M Ali