Waxaa maalinta Arbacada ah ee todobaadkan magaalada Muqdisho ka dhici doona Doorashada Madaxweynaha dalka oo ay Codeyn doonaan Xildhibaano ka badan 320 oo labada aqal ah.
Doorashada ayaa waxaa ku tartami doona 23 Musharax kuwaa oo heysta Codad kala badan oo dhanka Xildhibaanada ah.
Si kastaba waxaa soo baxaya warar sheegaya in musharaxiinta qaar ay sameysteen hab cusub oo lagu ogaanayo Xildhibaan waliba iyo Musharaxa uu u codeeyay, taa oo looga gaashaamanaayo in codka lasiiyo Musharaxiinta qaar ee aan mudneyn Codka.
Waxaa horey u dhici jirtey in Xildhibaanku uu go’aankiisa qaato markii uu qalinka dul saaro warqadda lagu dooranayo Madaxweynaha waxaana in badan ay dooran jireen qofka ay is leeyihiin waa ku habboon yahay, isaga oo ay dhici karto in uu ballan la galay Musharax kale oo codka doonaya in uu lacag uga iibsado.
Tabaha horey loo itsicmaaley waxaa kamid ahaa in Xildhibaanka la dhaariyo oo kitaab gacanta loo geliyo. Arrinta dhaarta ayaa noqotey mid aysan isku haleyn karin musharixiintu maadaama qaar kamid ah Culimada waaweyn ay sheegeen in dhaartasi tahay baadil aan waxba ka jirin.
Wararka ayaa sheegaya sheegay in xildhibaanada loo qaybin doono qalab yar oo ay sawir uga qaadayaan warqadda, sawirada lagu qaado qalabkaas ayaa ku xiran Cloud Server kale oo markiiba laga arki kari qofka uu u codeeyey, qalabkan ayaa isugu jira okiyaale, Saacado deviceyar oo kale Telefonka gacanta iyo weliba Qalimaan.
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka waxaa si weyn looga digey in doorashadu noqoto mid musuqmaasuq ku dhacda ama la kala iibsado codadka Xildhibaanka, xili Shacabka Soomaaliyeed ay dhowrayaan cida hogaamin doonta 4 sano ee soo socta.
Musharixiin badan oo kamid ah 24 Musharax ee u taagan xila Madaxweynaha ayaa haysta laba dhalasho, dalalka Maraykanka iyo Ingriiska ayaa sheegay in kuwa haysta baasabooradooda ay ku ciqaabi doonaan haddii ay qayb ka noqdaan doorasho musuqmaasuq ah.