WAR DEG DEG AH:- Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug oo loo diiday inuu Cadaado ka dego

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in Wafdi uu Hogaaminayay Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo ka duulay Garoonka Aadan Cadde loo diiday in ay ka degaan Garoonka Cadaado,waxaana Diyaaradii waday ay dib ugu soo laabatay Muqdisho.

Xildhibaanno ka tirsan Galmudug ayaa noo Xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda ay Diideen in Guddoomiye Xareed uu ka soo dego Garoonka Cadaado,waxaana sidoo kale jirta in Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo Cadaado ku sugan loo diiday iyaguna in ay galaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado.

Weli ma jirto wax War ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka Galmudug oo ku aadan Wafdiga loo diiday in ay Maanta tagaan Magaalada Cadaado oo Galmudug Caasimad KMG u ah.