Kaamirooyin qarsoon oo lagu xiray wadooyinka Waa Weyn Muqdisho

0

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu xiray Kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaan CCTV, iyadoo laga duulaayo suggida ammaanka iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa kala duwan ee wadooyinka ay ku xiran tahay kaamiradaasi.

Ilaa hada dadka waxa ay hadal hayaan wadada Maka Al-Mukarama meelo ka mid ah oo lagu arkay baalayaal lagu xiray Kaamirada Qarsoon ee CCTV.

Laga soo bilaabo dhanka Tiyaatarka ilaa Isgoyska Soobe inta u dhaxeysa ayaa la suray baalayaasha lagu xiray Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, si halkaasi loogala socdo dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee la xiriira dhanka ammaanka.

Arintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo si weyn loogu diyaargaroobayo suggida ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalinta Arbacada ah ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha dalka, waxaana si aad ah loo wadaa qorshooyin kala duwan oo la xiriira ammaanka caasimada.

Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, horay waxa ay ugu xirnaan jireen xarumo fara ku tiris ah oo ah xarumaha dowladda, sida Madaxtooyada iyo meelaha kale ee Hay’adaha amniga ay degan yihiin, balse markii ugu horeysay ayeey noqonaysaa in wadada maka Al-Mukarama meelo ka mid ah lagu arko kaamiradan.

Carwooyinka ku yaal Muqdisho iyo xarumaha waaweyn ee ganacsiyada ayaa horay looga isticmaali jiray Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa dadka soo gala xarumahaasi.

Dadka reer Muqdisho ayaa si weyn u hadal haaya in wadada maka Al-Mukarama lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV oo laga daawan karo dhaq-dhaqaaqa kala duwan ee hadba wadada ay ku xiran tahay kaamiradaasi.

CCTV, waxa ay sahlaysaa in la ogaado marka ay dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka, raadadka waxa dhacay, maadaama muuqaalo toos ah ay duubto kaamiradaasi.