Maamulka Degmada Ballaballe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegeen in ay qaabileen Boqolaal Qoys oo ka soo bararkacay Degmooyinka Dowlad Deegaanka Itoobiya.
Guddoomiyaha Degmada Balanballe Jaamac Xeyle Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ay dadkaasi qaabileen islamarkaana ay jiraan dadkale oo wadad ku soo jira islamarkaana kasoo barakacaya Abaarta ka jirta Dowlada deegaanka Itoobiya.
Jaamac Xeyle ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowlada Federaalka,Maamulka Galmudug iyo Hay’addaha Caalamiga in ay la soo gaaraan dadkaasi kaalmo Beni’aadan-nimo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-