Waxaa sii kordhaya dhaca ciidamada dowladda ay ka geysanayaan Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka ganacsatada ah ay cabasho ka joogaan ciidan wata direyska astaanta u ah ciidamada dowladda.
Saacadihii la soo dhaafay Suuqa Bakaaraha waxaa ka dhacay dhac ay geysteen ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo gudaha u galay Suuqa Bakaaraha goobo ganacsina jabsaday.
Qaar ka tirsan ganacsatada Suuqa Bakaaraha, ayaa Warbaahinta gudaha waxa ay u sheegeen in la dhacay goobahooda ganacsi, kadib markii ciidamo iska dhigaayay kuwa canshuuraha qaada ay jabsadeen qasnado ay lacag ku jireen.
Qaar ka tirsan Ganacsatada ayaa sheegay inay ku raadjoogaan ciidamada dhaca geystay meesha ay rasmi ahaan ka tirsan yihiin, maadaama ay qaateen lacag ay lahaayeen
ganacsato Somaliyed.
“Kun iyo Labo Boqol dollar iyo Saddex iyo Toban Million oo Shillin Somali ah ayey qaateen , waan ku raad joognaa meesha ay ka tirsan yihiin, meesha dhaca uu ka dhacay waa Agagaarka Carwo Liimooni.”
sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Ganacsatada dhaca loo geystay ee Suuqa Bakaaraha.
Dhaca Bareerka ah ee lacagaha ka sokoow, waxaa jira in moobeelada xilliyada habeenkii ah la iska dhaco Xaafado ka tirsa Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana dhacaasi geysta ciidan dowladda ka tirsan oo
mootooyinka Bajaajta soo qaata.
Arrimahan oo dhan ayaa waxa ay ku soo aadayaan, xilli ciidamada dowladda muddo bilooyin ah aysan qaadan wax mushaar ah, gaar ahaan Ciidamada Militariga.
Hoos ka Dhageyso Codka:-