Siyaasi Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Siyaasiyiinta Maamulka Somaliland ayaa Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda degaanada Somaliland ugu baaqay in ay doortaan hogaan samata bixin kara Dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Xildhibaanada loogu baahan yahay in ay si Cadaalad ah u doortaan hogaanka ay dooranaya isla markaana ka shaqeeyaan samata bixinta dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu ka digay in Fara gelin ay Dowladdaha Shisheeye ku sameeyaan doorashada Soomaaliya, Waxa uuna sheegay in Xildhibaanada Qaranka loogu baahan yahay in ay si Xur ah oo Xalaal ah Codkooda u dhiibtaa.
Waxa uu si gaar ah ula dardaaray Xildhibaanada labada ee Baarlamaanka ee ka soo jeeda degaanada Somaliland.
8 Bishaan Fabraayo oo ku beegan Maalinta Arbacada ee soo socota ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha oo ay ku tartamayaan in ka badan 20 Musharax.
Hoos ka Dhageyso Codka:-