Maamulka Galmudug ayaa is hor istaag waxa ay ku sameeyeen wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo xildhibaano la socday oo qorshaha uu ahaa in ay gaaraan Magaalada Cadaado.
Wafdiga xildhibaanada ah ee uu hoggaaminayay Xareed Cali Xareed Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa si aad ah u mucaaradsan siyaasada C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya wafdiga xildhibaanada ah ee uu hoggaaminayay Xareed Cali Xareed ee loo diiday in ay galaan Magaalada Cadaado ayaa dib waxa ay ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Feysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sharaxay sababta ka dambeysa in la soo celiyo wafdigan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-