DHAGEYSO:- Ciidamo loo diyaariyay sugidda amniga Magaalada Hobyo

0

Maamulka Galmudug ayaa diyaariyay Ciidamo suga ammaanka Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, xilli howlaha Dekadana ay socdaan.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdi Xuseen ayaa sheegay in Maamulka Galmudug ay diyaariyeen Ciidamo suga ammaanka Magaalada Hobyo.

Sidoo kale Cabdi Xuseen Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidankan ay ka shaqeyn doonaan sugida amniga Magaalada Hobyo.

Ciidamadan la geynayo Magaalada Hobyo ayaa waxa ay Tababar ku qaateen Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa la geeyay Magalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-