DHAGEYSO:-Al-Shabaab oo loo diyaarsaday Ciidamadii ugu badanaa Abid iyo Xaalada oo..

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay kulan looga hadlayo Amniga islamarkaana lagu qorsheeyay dagaal ka  dhan ah Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM ee halkaa ku sugan ayaa wacad ku maray in ay dhawaan bilaabi doonaan weeraro ka dhan ah Al Shabaab oo lagu qaadi doono deegaanada ay gobolka gedo kaga sugan yihiin Kooxdaasi.

Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo warbaahinta kulanka uga warbixiyey ayaa sheegay in weerarka maalmaha soo socda la qaadi doono islamarkaana heegan la geliyay Ciidamada Huwanta ah ee dagaalkaas isku garbinaya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-