Waxaa gabi ahaan la soo gaba gabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, oo Doorashadiisa la filayo in ay dhacdo 8-da Febraayo.
Ilaa 9 Musharax ayaa khudbado laga dhageystay maanta, waxaana Musharax walba uu khudbadiisa ku jeediyay waqti ku siman 30-daqiiqo, sida Musharaxiintiintii hore ay sameeyeen.
Musharaxiinta khudabadaha jeediyay ayaa waxa ay dhamaantood sheegeen in ay wax ka qabanayaan xaalada hada dalka uu ku jiro, sidoo kalena ay isbedel ku sameynayaan amniga dalka, waxaana Musharaxiinta ay kala yihiin:-
1.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
2.Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
3.Maxamed Axmed Jabarti
4.Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
5.Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
6.Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
7.Maxamed C/risaaq
8.Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil
9.Axmed Maxamed Cabdi
Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh (Jawaari) ayaa sheegay in gabi ahaan la soo gaba gabeeyay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayeen Musharaxiinta u tartameysa xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, oo gaaraya 23 Musharax.