Musharax Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Baarlamaanka Qudbad ka horjeediyay ayaa sheegay in Siyaasadiisa ay Kow ka tahay Ammaanka,waxaana uu Xusay in Dowladda hadda jirta aysan Ammaanka Muhiimad siin islamarkaana ay ku soo Koobantay iyo Tacsi oo kaliya.
Musharax Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu la dagaalami doono Al-shabaab islamarkaana Dagaalka Shabaab aan loo kala hari doonin Wasiir iyo Shacab intaba.
“Ciidamada Soomaaliya waxaan ka dhigi doonaa kuwo Tayo leh oo Cadwga la Xisaabtama islamarkaana kii wax gaaraan uu Daryeel Heli doono”ayuu yiri Farmaajo.
Musharax Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu u dhawaan doono Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu Shacabka gaarsiin doono in ay Shabaab la dagaalamaan noo ay Dowladooda Aaminaan.
Farmaajo ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya sare loo qaadi doono si looga hortago Weerarada Al-shabaab iyo Qaraxyada islamarkaana ay Lacag ku bixin doonaan Cid walba oo Shabaab Xogtooda soo sheegta.
Waxaa uu sidoo kale Farmaajo in Goobaha Shacabku leeyihiin Ee Shabaab qarxiyaan ay Dowladdiisu dhisi doonto haddii la doorto Dadka Shacabkaana ay Magdhaw siinayaan,Maadaama Dowladdu ay Dayacday Ammaankooda.
Dhanka Musuq Maasuqa ayuu sheegay inuu la geli doono Dagaal lamid ah midka Shabaab.
Dhanka Dib u heshiisiinta ayuu Xusay Farmaajo inuu ku dadaali doono islamarkaana uu soo celin doono Midnimadii Soomaaliya si Dalka loo mideeyo.
Musharax Farmaajo ayaa sheegay in Haddii Khilaaf soo kala dhexgalo asaga iyo Xukumaddiisa uu Talada ku soo celin doono Baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay inuu hadda ku shaqeeyo Sifo aan Sharci aheyn Maadaama uu Waqtigii ka dhamaaday.