DAAWO:- 28-Daqiiqo oo Faroole kaga filnaatay inuu ku soo bandhigo Damaciisa inuu Soomaaliya hogaamiyo, Digniin ku aadan Baarlamaanka iyo Dhacdooyinkii uu soo maray 1966 ilaa iyo 2018

0

Musharraxa xilka madaxweynaha Soomaaliya,Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka dalbaday xildhibaannada baarlamaanka in ay ka foojignaadaan faragalinta shisheeye.

Wuxuu sheegay dalka Soomaaliya inuu madax banaan-yahay oo aan la aqbali karin in dad shisheeye ay faragaliyaan ku sameeyeen doorashada madaxweynaha ee dhawaan dhacaysa.

“Xildhibaannada Soomaaliyeed ee la soo doortay ee waqtiga taariikhiga ah maraya maanta waxaa uga digeyaa in ay arintaa ka digtoonaadaan, una hogaasamin cid faragalin ku sameysa arimaha masiiriga ah ee umadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Faroole oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ayaa soo hadal-qaaday waddamada dariska ah iyo ururada caalamiga ah inay faraha ka laabtan siyaasadda Soomaaliya oo aysan soo faragalin.

Wuxuu ka dalbaday musharrixiinta inaysan taageerro ka raadin cid kale oo shisheeye ah.

“Dowladdaha ama daris ha ahaadeen ama kuwa kale ee caalamka intaba waan ixtiraameynaa xaduudahooda iyo darisnimadooda, laakiin ma ogolin marnaba ay soo dhaxgalaan arimaheena, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doorashada loo diyaargaroobayo ayuu yiri.” musharrax Faroole.

Musharraxa Faroole waxaa kalo uu hadalkan ku soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda oo ogalaatay dacwada bada oo ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=MqSJiBd_Xp4