Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare oo kamid ah Baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Doorashada madaxweynaha Somalia lagu hayo faragalin cad oo muuqata.
Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in Somalia iminka loo hayo Amniga iyo Dhaqaalaha, halka la doonaayo in
Siyaasadana loo hayo, si Dowladaha Shisheeye ay u hogaamiyaan Siyaasada Somalia.
Goodax ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay si ula kac ah Makaroofanka ugu jartay Musharax Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, mudada gaaban oo uu jeedinaayay Khudbadiisa Musharaxnimo, waxa uuna ficilkaasi ku sheegay mid lagu hareer maraayo nidaamka Doorashada.
Goodax waxa uu sheegay inay suuragal tahay in maalinta Doorashada ay dhaceyso Sanaadiiqda codbixinta loogu tago warqado si buu yiri garab loo siiyo soo bixitaanka Musharax gaara oo uusan sheegin magaciisa, laakiin loo maleynayo inuu ula jeedo madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba, sanduuqa doorashada ayaa ah mid dhalo ah oo muuqda, oo aan waxba lagu qarin karin.
Waxa uu sidoo kale Xildhibaanka sheegay inay suuragal tahay in maalinta ay dhaceyso Doorashada Hoolka loogu taggo shaqsiyaad aan la garaneynin waxa ay yihiin iyo halka ay ka socdaan kuwaa oo lagu indha sarcaadin doono Xildhibaanada isla markaana hoolka ka dhex codeyn doono.
Xildhibaan Goodax oo ka hadlaayay kulanka Xildhibaanada Isbedeldoonka ah ayaa sheegay inay suura galtahay in saacadaha lagu guda jiro Doorashada la caqabadeeyo Xildhibaanada isla markaana Gaadiid waaweyn lagu jaro Hoolka ay ka dhici doonto Doorashada, waxa uuna carab dhabay in Xildhibaanada looga baahan yahay in il gaara ay ku eegaan waxyaabaha ku cusub oo ay arki doonaan maalinta Codeynta.
Goodax ayaa ku cel celshay in Xildhibaanada Isbedel doonka ah ay la imaadan shaqsi ka fog tuhun iyo laqdabo waxa uuna meesha ka saaray inay dhici karto waxyaabo aan u cuntami doonin Xildhibaanada oo lagu dirqiyo.