Wararka ka imaanaya deegaanka dumaaye oo ka tirsan degmada xarardheere ee koofurta gobolka mudug ayaa sheegaya in halkaas labadii maalmood ee udambeeyey dagaal uu ku dhex marayey dadka deegaanka iyo kooxda alshabaab.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo weliba xoolo lakala qaaday.
Waxaana wararka dagaalkaas aan ka waraysanay Axmed Shiikh oo kamid ah dadka deegaanka dumaaye ee gobolka mudug.