DHAGEYSO+SAWIRRO:- Bulshada Caabudwaaq Oo Bilaabay Dhismaha Jaamacadda Galgaduud (Galgudud University).

0

Dhismaha Jaamacadda Galgaduud University ayaa laga bilaabay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaana wada jir u dhisaya bulshada Caabudwaaq oo gacan ka helaya Qurba joogta Soomaaliyeed

Jaamacaddan oo markii ugu horaysay laga aas aasay degmada sanadkii 2014. Ayaa ku shaqa bilowday guro gaar loo leeyahay oo loo dhistay deegaan waxaana markii ay kordheen tirada ardada iyo kuliyadaha ay bixiso Jaamacadda la dareemay ciriiri dhinaca fasalada ay fariistaan ardada Mamulka jaamacada oo kaashanaya Bulshada ayaa ku guulaystay inay jaamacadda u helaan boos u gaar ah oo ku filan si jaamacada ay u fuliso baaahiyaha loo qabo dhinaca waxbarashada

Shiikh Daauud Xirsi Siyaad oo kamid ah Culumada ayaa soo dhaweeyay is badalka dhinaca horumarkaa oo ay sameysay Jaamacadda isaga oo sheegay in Jaamacaddu ay dhistay garaadka dadka aqoonta u baahnaa, isaga oo u mahad ceshay dadka la taagan taageerada Jaamacaddaiyo dhismaheeda socda

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi waayeel) oo kamdi ah quba joogta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Deegaanka oo ku deeqay dhulka laga dhisayo Jaamacadda ayaa sidoo kale maanta ku deeqay boqol kaariko oo dhagax ah oo uu oga qayb qaadanayo dhismaha Jaamacadda

Gudoomiyaha Gudiga Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq Cabduqaadir Dheere oo kamid ah dadka u taagan Horumarinta Jaamacadda Galgaduud Unuiversity ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guulaha dhanka Horumarka oo ay gaartay Jaamacadda Galgaduud

Ugu Dambayn Maxamuud Dirir oo ah Maamulaha Jaamacadda Galgaduud University ayaa oga mahadceshay dadka ka qayb qaadanaya iyo kuwa gacanta ka gaysatay dhismaha iyo horumarinta Jaamacadda galgaduud (Galgudud University).

dscn8592 dscn8593 dscn8652 dscn8654 dscn8656 dscn8660 dscn8669 dscn8670 dscn8673 dscn8675 dscn8677 dscn8678 dscn8679 dscn8681 dscn8682 dscn8683 dscn8685 dscn8686 dscn8687 dscn8689 dscn8691 dscn8692 dscn8693 dscn8694 dscn8695 dscn8696 dscn8699 dscn8701 dscn8702 dscn8703 dscn8704 dscn8705 dscn8706 dscn8707 dscn8709 dscn8713 dscn8715 dscn8717 dscn8720 dscn8721 dscn8724 dscn8726 dscn8727 dscn8730 dscn8731 dscn8732 dscn8733 dscn8734 dscn8735 dscn8744 dscn8746 dscn8747 dscn8749 dscn8752

Wariye C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq/Soomaaliya