DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Gudoomiyaha Dhabad oo Taageeray Heshiiskii Caabudwaaq, Eedeyna kala Dul Dhacay DFS, Galmudug, Ahlusunna Iyo Qurbajoogta Beesha Sade.

0

Kadib Heshiiskii Maanta Magaalada Caabudwaaq ay kuwada Gaareen Waxgaradka iyo Culumaa’udiinkii Beelihii Dhawaan ku Dagaalamay Magaalada Caabudwaaq waxaa durba isa soo taraya Soo dhawaynta laga Dirayo.

Aadan Cabdi Nuur Galaal Aadan Gebi oo ah Gudoomiyaha Degmada Dhabad ee Gobolka Galgaduud oo lasoo xiriiray Warqabadka Allgalgaduud Media ee Magaalada Caabudwaaq, ayaa ugu Horeyntii Hambalyo iyo Baraarujin ujeediyay Dadkii u istaagay Xal ka Gaarista Xiisadihii Taagnaa.

Gudoomiyaha Ayaa dhinaca Kale Dhaliilo usoo Jeediyay DFS iyo Qurba Joogta kasoo jeeda Waqooyiga Galgaduud isagoona sheegay in ay Gabeen Muujinta Dowlkii ay ku Lahaayeen Hormarinta Deegaanka.

Waxa uu dhinaca kale si kulul u cambaareeyay Maamullada Ahlusunna, Galmudug, iyo Galgaduud Sare oo saddexduba sheegta Maamulidda Caabudwaaq waxaana uu ku eedeeyay in aysan ka shaqayneyn Danta Dadka Deegaanka balse ay Faan u arkaan in Ay Joogaan Gudaha Deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa arimo badan ka dhawaajiyay waxaana uu uwaramay Wariyaheena Gobollada Dhexe Cumar Laki Man.

Halkaan Hoose ka dhagayso Warbixin uu Cumar Laki Man inooga Diyaariyay Waraysiga Gudoomiye Aadan Gebi:

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya