Ciidamada NISA ee dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta weeraray Xarun ay Guddiga Doorashooyinka Dadban Heer maamul Goboleed ay ku leeyihiin Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu salka ku hayo Cabashooyinka ku aadan Doorashooyinka ka soconaya Magalada Cadaado.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa cirka u shareerayay Cabashooyinka la xiriira Musuqmaasuqa ka aloosan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Magaalada Cadaado.
Galmudug ayaa lagu sheegay maamul Goboleedka ugu Musuq maasuqa badan marka loo eego Arrimaha Doorashooyinka.
Dhinaca kale wararka waxay sheegayaan in ciidamadan maanta weerayay Xarunta Guddiga Doorashooyinka Dadban Ay Ku Leeyihiin Cadaado ay halkaasi ka afduubteen odayaal dhaqan oo si weyn looga yaqaan gobolka Galguduud.
Maamul Goboleedyada qaar ayaa la sheegay in Hanaan Cadaalad ku dhisan lagu soo doortay Xubnaha u matalaya labada aqal halka Galmudug la tilmaamayo in shaqsiyaad xilal ka hayay dowladda Federaalka iyo kuwa gadaal laga riixayo ay ku soo baxeen Doorashooyinka ka dhacay.