TOOS U DHAGEYSO:- Abaaro Halaakeeyay Dadka iyo Duubyada oo ka taagan Inta badan Gobolada Soomaaliya.

0

Roobka oo soo daahay iyo helitaanka Biyaha Ceelasha oo yaraaday ayaa sii cakiray Abaaraha sii dheeranaya ee ka taaganaya Gobollo badan oo Soomaaliya ah.

Inta badan Deegaanada Somaliland, Puntland, Gobollada Dhexe iyo Gobollada Koonfureed ee somalia waxaa ka taagan abaaro Saameeyay Dadka iyo Duunyada iyadoona Deeganada Qaar la sheegayo in Haraad aawgii ay u dhinteen Dad iyo Xooloba.

Si looga gaashaanto Abaarta waxaa is xilqaamay Guddiyo xambaarsan Magacyo kala duwan kuwaasi oo ay hormuud uyihiin Culimada, waxay wadaan dadaalo ay dhaqaale ugu aruurinayaan Dadka haraadka uu daashay.

Shacabka Somaliyeed ayaa iyana ku baaqaya in alle loo laabto lana sameeyo Salaado Roob doon ah si raxmadda Alle ay inoogu soo Hoorto.

Hadaba waxaan idiin soo gudbinayaa Dad jooga Deegaano kala duwan oo abaaraha ay saameeyeen oo ka waramaya heerka Abaarta, waxaana ka mid ah Deegaanadaasi Gobollada Gedo, Sool, Hiiraan, W/Galbeed, iyo Togdheer.

HOOS KA DHAGEYSO