Muddooyinka waxa isa soo taraysay Cabashada is daba Jooga ah ee kasoo yeereysa Beelaha Dega Gobollada Dhexe taasi oo ka Imaanaysa Magaalada Cadaado kuna saabsan saluug ay ka Muujinaya Hab qaybsiga Siyaasadda Maamulka Galmudug.
Beelaha Cabashooda ay muuqato waxaa kamid ah Beelaha Dega waqooyiga Galgaduud kuwaasi oo Mudooyinkii ugu dambeeyay la maqlayay iyafgoo siyaabo kala duwan ugu dhawaaq Xiriir ujarista Maamulka Galmudug kadib markii ay waayeen Sida ay sheegeen Xuquuqdii ay lahaayeen.
Hadaba muxuu ka dhigan yahay Go’aanada nacdinta ku ah Galmudug ee kasoo yeeraya beelaha Waqooyiga Galgaduud? Maxay tahay sababaha ka dambeeya in mar walbo beelaha Sade ay ahaadaan kuwa Xaqiran? Sidee loo heli karaa Isku tashiga Beelahaasi?
Suaalahaas iyo kuwa kale waxay shabakadda Allgalagduud Media Hor dhigtay Eng.Raage Xasan Waayeel oo ka mid ah Dhalinyarada Xog=Ogaalka ah ee kasoo Jeeda Caabudwaaq.
Isagoo ku Sugan Magaalada Hargaysa ayuu Taleefanka ugu waramay Wariyaha Allgalagduud uga soo warama Wararka Gobollada Dhexe ee Cumar Laki Man