Somaliya waxaa ka Bilaawday Olole Balaaran oo Siyaasadeed Kaas oo ku wajahan Doorashada Cusub iyo Dhismaha Dowladda cusub ee Dalka Maamuli Doonta 2016-2020.
Waxaa jiraa Nidaamyo Badan oo loo qorsheeyay in loo wajaho Doorashada Cusub iyo Saami Qaybsiga Beelaha Xubnaha ay ku yeelan Doonaan Dowladaasi.
Inta badan Beelaha Somaliyeed waa ay ka dhex muuqdaan Ololahaasi, waxaase jira Beelo ku dulman Hab qaybsigaasi kuwaa oo ku andacoonaya in aysan Helin Xuquuqda ay ku lahaayeen Siyaasadda Cusub ee Dalka uu wajahayo.
Inkastoo Dulmiga Beelahaan uu ahaa Mid muddo Aad ufog soo Jiray, ayaa waxay hadana Dulmiga xilligaan haysta Masuuliyadiisa dusha uga tuureen Madaxda DFS oo uu ugu Horeeyo Madaxwaynaha Waqtiga Xileedkiisa Dastuuriga ah uu dhamaaday ee Xasan Shiikh.
Beelahaan ku dulman Siyaasadda Dalka aad ayay ubadan yihiin, waxaana ka mid ah Beelaha Banaadiriga oo Caan ku ah Samo Jacaylka iyo Afgaabnida.
Hadaba Warbixin ku saabsan Dulmiga Beelaha Banaadiriga Haysta iyo Tabashooyinka ay qabaan waxaa Xafiiska Allgalgaduud Media ee Magaalada Caabudwaaq inoogu Diyaariyay kana soo jeedinaya Wariyaheena Cumar Laki Man.