Daggaalka Mudug iyo Hadaf la,aantiisa!!

0

Waxaan maqli jiray labatan jirka Mudug kunool (Ilahaay) uma ceeb qarin Arrintaas ama maahmaahdaas waa mid aad u muujinaysa ceebta haysta wiilasha Mudug ku daggaalamaya ee- aan aqoon cida ay xabbadda ku ridayan iyo cida ay u ridayan:

Walaalka Mudug kadaggaalamayow yaad ladaggalamaysaa yaase u daggaalamaysaa? ma- ogtahay faa’ iidada ay kuleedahay xabbadda}: ad walaalka kurideyso kuna dileyso!!

Soomaalidu waxay ku maahmaahda Ninkii Anqawga isku dhufta (Isaga u dhutiya): Anqawgu waa lugta siiba qeybta hoose ee dhudhunka) Ninka Gaalkacayo kudhimanaya muxuu ku dhintay? Muxuu ka daggaalamaya yuuse ladaggalamaya? Maxay tahay natiijada ugu dambaysa ee laga dhaxli dono daggaalka Gobolka Mudug? soo mahan inaad cada ka dhigatay Walaalkaa Cadaab iyo ciqaab aakhirina kaaga dambayso.

Daggalka Gaalkacayo waa mid aan lahayn wax ujeeddo ah waa mid aan lahayn wax (istiraatiijiyad ah) waa mid aan dhammaad iyo bilow lahayn waana mid aan faa’iido lahayn: dadka Reer Mudug waxaa lagu tilmami jiray inay yihiin dad fahansan wada nolanshaha iyo daris wanaag laakaiin waxaa caddaatay inay yihiin dadka ugu dambeeya Soomaalida qarnigan (21,naad) Daggaalka Mudug kasocda kuma saleysna Diin kuma saleysna Itiraatiijiyad qeexan oo faa’ iido u leh labada dhinacba bali s weydiih dhaqalka iyo dheefta uu leeyahay daggaalka Gaalkacayo kasocda.

Tusaale dhulka Koonfurta Soomaaliya waxaa la isku haysan jiray hada kahor kheyraadka Wabiyada iyo wax soosaarka dhulkaas Eebbe ku maneystay laakiin Mudug maxa la isku haystaa? Maxaa yaal oo lagu daggaalamaya.

Kuwa iska soohorjeeda waa inay xasuusnadan inaan Qolana Mudug laga (Reri) doonin waligeed waa inay xasuusnadan Gaalkacayo inay ahaan doonto halka ay ku tal ee Bartamaha Soomaaliya waa inay xasuusnadan in Gaalkacayo tahay Magaalo Soomaaliyeed wanageeduna yahay nabad iyo xasilooni.

Anigu eedayn maayo Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland laakiin waxaan (eedaynaya) shacabka Gobolka Mudug cuqasha siyaasiinta iyo dhalinyarada ku Abtirsada Gobolka Mudug labadiisa dhinacba waayo ma waxay garan la`yihiin dhaqaalaha ay collaada ku bixinayaan inay ku bixiyan nabada iyo wada noolashaha Gobolka.

Ugu dambayntii Soomaalidu waxay ku maahmaahda Ninkii Anqawga isku dhufta asaga u dhutiya): maanta wiilka ku dhimanaya Daggaalka bilaa` hadafka ee Gaalkacayo waxaa- u- dhutin doona Ninka walaalkiis xabbadda u quuray Ninka aan ogeyn wuxuu ku daggaalamayo iyo wuxuu ka daggaalamayo” Soomaalida Mudugey joojiya daggalka faa’iido darada ee” aad ku huubbaneysan daaggalka lagu barakicinayo matada iyo Hooyooyinka Muslimiinta ee Soomaaliyeed.

W/Q/Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email Guuleed72@hotmail.com