DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Suldaan Garbacune "Galmudug Wax Taageero Iyo Wadashaqayn Ah Oo Aan La Leenahay Majidho, Mana Jiri Doonto".

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in wali Muran uu ka taagan yahay soo xulista Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Dowladda Soo Socota umatali doona Maamulka Galmudug.

Ergada kasocota Beelaha Dega Waqooyiga Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in Galmudug ay doonayso in ay lumiso qaar kamid ah Kuraasta Beesha ay leedahay isla markaana aysan qaadan doonin wax kayar Kuraastii ay xaqa ulahaayeen.

Suldaan Axmed Garbacune oo kamid ah Xubnaha Matalaya beelaha Waqooyiga Galgaduud ee ku sugan Magaalda Cadaado ayaa Allgalgaduud Media uga waramay Muranka Taagan iyo waxa ay tirsanayaan.

Waxa uu uwaramay Cumar Laki Man oo kusugan Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media ee Magaalada Caabudwaaq.

 

 

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya