Deeq Aadan Ciise Durqun oo sheegay inuu yahay Madaxwaynaha Maamulka Galgaduud Sare oo ka dhisan Deegaano katirsan Waqooyiga Galgaduud ayaa waraysi Gaar ah oo uu siiyay Shabakadda Allgalgaduud Media waxa uu kaga Hadlay Xiisadaha Colaadeed ee laga Dareemayo Magaalada Caabudwaaq, isagoona Sheegay in Xiisadahaan ay wadaan Ciidamo katirsan
Maamulka Galmudug, waxa uuna ku baaqay in degdeg Ciidankaan Dibadda Looga Saaro Magaalada.
Dhinaca Kale waxa uu ka hadlay Dagaalka kasoo cusboonaaday Gaalkacyo isagoona sheegay in Galmudug hadda ay Doonayso in ay qalqal ka Abuurto Gobollada Mudug iyo Galgaduud.