Inta la Hubo lix ruux oo isugu jira Maleeshiyaadkii Dagaalamay iyo Dad shacab ah ayaa ku geeriyoooday halka Toboneeyo kalana ay ku dhaawacmeen kadib Dagaal Xoogan oo Maanta Magaalada Caabudwaaq ku dhex maray Maleeshiyo Beeleed Walaalo ah.
Dagaalka oo Salka ku hayay Aanooyin Qabiil ayaa socdo Muddo Saacado ah iyadoona ugu dambeyn uu si iskiis ah u istaagay.
Xaaladda Magaalada Caabudwaaq ayaa Caawa Dagan inkastoo wali ay Jirdo Cabsi laga qabo inuu Dagaalka sii Socda.
Hadaba Wariyaha Allgalgaduud ee Magaalada Caabudwaaq ayaa Warbixintaan si Faahfaahsan ugu qeexaya Dagaalkii Maanta dhacay, waxa uu ku Bilaawday iyo Xaaladda Guud ee Magaalada Caabudwaaq.