Madaxwaynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Bosaso, kadib markii uu magaalada Dubay uga qaybgalay shir looga hadlayey ariimaha doorashada iyo mustaqbal Soomaliya, kaasi oo ay lahayen madaxda hoogamiyasha maamulada dalka iyo dowlada Imaaraadka.
Madaxwayne Cabdiweli ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada boosaaso ku sheegay in magaalada dubay ay heshiis horudhac ku gaareen madaxwaynaha mamaulka Galmudug kaasi oo ku aadan sidii xal looga gari laha dagalada udhexeya labada mamaul ee ku so lalabtay magalada Gaalkcayo.
Sido kale Madxwaynaha Puntland waxa uu markale beeniyey hadal kaso yeeray xubno karisan gollaha baarlamaanka Puntland kaasi oo ku adaana in dowlada federalka Somaliya ay bilkasta lacag ugu deeqdo Puntland taasi oo ay ku shegeen inaan lagu darin miisaaniyada dowlada.
Madaxwaynaha ayaa ugu damaynti ku celiyey in dowladu ka hawlgeli doonto magaalada Qandala ee G. bari oo ay gacanta ku dhigen kooxo tabacsan ururka Daacish.
HOOS KA DHAGEYSO