Gelinkii Dambe ee Maanta waxaa Mar kale dib uga Curtay Duleedka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo Dagaal leysu adeegsaday Hubka culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Dagaalka ayaa socday ku dhawaad Muddo laba saac ah iyadoona la sheegayo inay jiraan khasaare ka dhashay.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Khaliif oo Caawa la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Puntland laga dhagaysto ayaa Galmudug ku eedeeyay in iyaga ay soo qaadeen Dagaalkaan Cusub.