DHAGEYSO+SAWIRRO:- Ragii ka dambeeyay dilkii Nabadoonkii galabta Muqdisho lagu dilay oo Warbaahinta loo soo bandhigay

0

Waxaan Halkaan idiin kugu soo gudbineynaa Sawiro laga soo qaaday Labadii nin ee ka dambeysay dilkii Nabadoon Caan ka ahaa degmada Wadajir oo galabta lagu dilay degmadaasi.

Ciidamada amaanka ee degmada Wadajir ay ku guuleystay iney eryadaan isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan labadii nin ee dishay Nabadoonka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Bishaar Geedi Abshir ayaa koormeeray dhaawaca labada nin iyo halkii ay nabadoonka ku dileen.

Labada nin ee dilka geystay ayaa waxa ay yihiin kuwa dhaawac ah ka dib markii ay Ciidanka xabadeeyeen.

HOOS KA DHAGEYSO GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR:-

HOOS KA DHAGEYSO GUDOOMIYAHA DEGMADA WADAJIR

8-nin 1-nin 2-nin 3-nin 4-nin 5-nin 6-nin