DHAGEYSO WARBIXIN:- Golaha Abwaanada Somaliyeed oo Baaq Nabadeed kasoo Saaray Xiisadaha Gaalkacyo.

0

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Guriga Hooyooyinka Golaha Abwaanada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Fanaaniinta ku nool Muqdisho waxaa ay uga hadleen Joojinta Colaadda Magaalada Gaalkacyo.

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay tahay Dirirta Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ku dhexmareysa Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay ku baaqeen in la joojiyo Dagaalka islamarkaana dhinacyada Dagaalamaya ay ka wada hadlaan waxyaabaha ay kala Tabanayaan.

Hadaba Warbixin ku saabsan Kulankaasi waxaa inoo soo jeediya Cumar Laki Man oo ku sugan Caabudwaaq.

 

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO