Qaramada Midoobey,Midowga Afrika,Midowga Yurub,IGAD,Italy,Sweden iyo Maraykanka ayaa sheegay in ay ka welwelsan yihiin qaar kamid ah musharixiinta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya , kuwaa soo ay sheegeen in Qaarkood ay danbiyo culus ay ka galeen bulshada Soomaaliyeed.
Beesha Caalamka ayaa sheegtay in doorashada Soomaaliya ay sanadkaan ay ka dhex muuqdaan shaqsiyaad ku caanbaxay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed xilliyadii ay socdeen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.
Warka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in taariikhda siyaasida Soomaaliya loo furo bog cusub , islamarkaana aan dalka dib loogu soo celin kuwii dhibaateeyay bulshada Soomaaliyeed 25 tii sano ee la soo dhaafay.
Beesha Caalmka ayaa sheegtay in Howlaha lagu diiwaangelinayo musharixiinta 275ka ee baarlamaanka in ay muhiim tahay in laga ilaaliyo kuwa dambiyada iyo rabshado ka geystay dalka Soomaaliya xilliyadii burburka.
Warka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyntii loogu hanjabay Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana Beesha Caalamku ay wacad ku martay in ay diidi doonto xubnahaasi.
HOOS KA DHAGEYSO