Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo 61 cod kaga guuleystay Musharaxa kale ee la tartamayay Maxamed Cabdi Waare oo helay 36 cod.
Doorashada oo aheyd mid aad isha loogu hayay ayay dad badan horay u sii saadaaliyeen, inuu ku guuleysanayo xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay Mbaghati ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta Xildhibaanada, isagoo sheegay in 98 xildhibaan ay codeysay, 61 cod uu helay Cali Cabdullaahi Cosoble, halka 36 cod uu helay Maxamed Cabdi Waare, halka Hal cod uu xumaaday.